Talaado 03 Dec 2024 {HMC} Waxaa dalka Jabuuti gaaray wafdi uu hoggaaminayo gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, safarkaas oo uu u jeedkiisu ahaa xoojinta xiriirka labada dhinac.
Guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti Dileyta Maxamed Dileyta, ayaa wafdiga ku soo dhaweeyay magaalada Jabuuti ee caasimadda dalkaasi.
Safarka wafdiga Somaliland ay ku tageen Jabuuti ayaa ku soo aadaya iyada oo muddooyinkii u danbeeyay uu madmadow soo galay xiriirka ka dhaxeeya dalka Jabuuti iyo jamhuuriyadda gooni isutaaggeeda ku dhawaaqday ee Somaliland.
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha wakiilada Somaliland Cali Xaamud Jibriil oo wafdiga horkacayay ayaa BBC-da uga warbixiyay kulanka ay la yeesheen guddoonka baarlamaanka Jabuuti.
“Safarkeena wuxuu daaran yahay laba dal iyo laba shacab oo walaalo ah oo xiriir taariikhi ah ka dhaxeeyo kaa un baan u nimid, iyo sii xoojinta xiriirka, awalna waan isku imaan jirnay” ayuu yiri Cali Xaamud.
Waxa uu sheegay in si gaar ah ay uga wada hadleen arrimo la xiriira baarlamaanada iyo wadashaqayntooda.
BBC waxay wax ka weydiisay heshiiskii is afgaradka ahaa ee Somaliland la gashay Itoobiya iyo haddii uu wax u dhimay xiriirka ay la lahaayeen Jabuuti waxa uuna ku jawaabay: “Arrimahani waa kuwo quseeya wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland iyo siyaasadda madaxweynaha cusub” ayuu yiri gudoomiye Xaamud.
Dr Axmed-saki Faarax Iidle oo ah bartay culuumta diblomaasiyadda iyo arrimaha caalamiga kana faalooda amniga gobolka ayaan wax ka waydiinay safarka wafdiga ka socda Somaliland ee gaaray magaalada Jabuuti.
“Inkasta oo aan horay loo shaacin safarka balse waxa ay u muuqataa billow cusub oo ay muujinayaan in xukuumadda cusub ay fagaaraha la imaan doonto diplomaasiyaddii Muuse mid ka duwan” ayuu yiri Dr Zaki.
Dhanka kale falaqeeyaha ayaa carrabka ku dhiftay sababta mugdiga galisay xiriirkii horay uga dhaxeeyay Somaliland iyo Jabuuti in uu yahay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ee la xiriiray badda.
“Jabuuti waxa ay u arkaysay heshiiskii dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland inuu yahay mid dhaqaale ahaan dhabarjab ku ah” ayuu raaciyay.
Falaqeeyaha ayaa sheegay in heshiiskaas uu ugu muuqday Jabuuti mid aysan danteeda ku jirin, taasina ay sababtay gaabiska ku yimid xiriirka labada dhinac, Jabuutina ay ku tiirsan tahay dekedeeda oo ay Itoobiya isticmaasho, heshiiska ay Somaliland iyo Itoobiya wada galaanna uu dhibaato iyo carqalad ku keeni karto suuqa Jabuuti.
Falaqeeye Axmed Faarax ayaa soo hadal qaaday in labada dhinac ay ilaashanayeen dano u gaar ah taasina ay sababtay in xiriirka uu mugdi soo dhexgalo, balse waxa uu soo hadal qaaday hadii ay timaado waxyaabo labada dhinac dan ugu jirto in ay markaa suurtagal noqonayso inuu wanaagsanaado xiriirkooda.
Dhanka kale waxa uu tilmaamay in Jabuuti ay doorbidayso xiriirka Somaliland sidaasna uu ku yimid safarka masuuliyiinta ay ku gaareen dalka Jabuuti.
“Jabuuti waxa ay fursad u aragtaa isbadalka Somaliland ee dhanka doorashada waxa ayna filaysaa inay sii waddo wadahadaladii ay Somaliland la lahayd,” ayuu yiri.
Waxa uu intaa ku daray haddii kulamadaan ay ka soo baxaan waxyaabo la isku fahmo inay hordhac u tahay xiriirka oo sidii hore ku soo laabta si Jabuuti ay u sii waddo arrimo ay kamid yihiin wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo ay muddo ku soo jirtay.
“Waxyaabaha laga wada shaqayn karo waxaa kamid ah, Jabuutina ay garwadeenka ka ahayd, wadahadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland, oo ay Jabuuti in badan isku dayaysay inay soo dhawayn ka samayso kuwaas oo muddo dheer socday, waxna aan meel la isla dhigin,” ayuu yiri falaqeeye Axmed Saki.
Axmed Faarax Iidle ayaa ka dhawaajiyay in xisbiga Wadani ee qabtay talada Somaliland inaysan wali caddayn mowqifkooda siyaasiga ah iyo inay ka duwan yihiin qaabkii xisbigii Muuse Biixi u wajihi jireen siyaasadda arimaha dibadda.