Isniin 2 Dec 2024 {HMC} Go’aan garsoor oo muran dhaliyay ayaa sababay rabshado iyo jahwareer ka dhacay ciyaar kubbadda cagta ah oo ka dhacday Koonfur-bari dalka Guinea,taas oo sababatay dhimashada 56 qof sida ay Shaacisay Dowladda isniinta maanta ah.
Dhimashada ayaa dhacday intii lagu guda jiray finalka tartan lagu maamuusayay hogaamiyaha militariga Guinea Mamady Doumbouya oo ka dhacay garoon ku yaala Nzerekore, oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn dalkaasi.
Qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa tuuray dhagxaan, taasoo keentay argagax iyo burbur, ayaa lagu yiri bayaan ka so baxay dowladda, waxaana ay balan qaaday in ay sameyneyso baaritaan dheeraad ah.
Muuqaal ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa muujinayay tobanaan qof oo ku qulqulaya darbiyada dhaadheer si ay u baxsadaan.
Mas’uul ka tirsan maamulka magaalada oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in dhibanayaal badan ay ahaayeen caruur aan qaan-gaarin oo ay ku dhaceen qalalaasaha kadib markii ay booliisku ku bilaabeen sunta dadka ka ilmeysiisa.
Mas’uulkan ayaa ka sheekeeyay jahawareer iyo qalalaase ka dhacay garoonka kubadacagta ayaa qaar ka mid ah waalidiinta ay meydadka ka soo saareen ka hor inta aan si rasmi ah loo tirin.
Muuqaalo iyo sawiro lagu wadaagay internetka ayaa muujinayay dhibanayaasha oo dhulka safan.
Hal muuqaal ayaa lagu arkay dad farabadan oo dhdhibanayaal dhulka daadsan ku was oo ay u badnaayeen caruur
Reuters isla markiiba ma aysan awoodin inay xaqiijiso muuqaalkaas.
isbahaysiga Qaranka ee Isbeddelka iyo Dimuqraadiyadda ayaa sheegay in mas’uuliyiintu ay mas’uul ka yihiin abaabulka tartamada si ay u xoojiyaan taageerada siyaasadeed ee Doumbouya taasoo ka soo horjeeda axdigii kala guurka ka hor doorashadii madaxtinimada Dalkaas.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay taliska milateriga oo ku aaddan eedeynta loo jeediyay oo ku aadan xasuuqa ka dhacay garoon lagu cayaaro kubada Cagta eek u yaalo Dalkaas.