Isniin 2 Dec 2024 {HMC} Suuriya, si dhaqso leh marxalad aan horey loo qiyaasin ayay dhexda u gashay tan iyo Arbacadii toddobaadkii hore , markii dhaqdhaqaaqyada mucaaradka ay billaabeen duullaan u suragliyay inay dhuunta u istaagaan Bashaar Al-assad — ma ahayn waqti u wanaagsan hoggaamiyahan wax walba ku bixiyay si uu xukunka u joogo, illaa xataa uu u beddelay Suuriya goob ay la wareegaan dagaalyahannada Shiicada, halka Ruushka iyo Iran ay ka dhigteen goobtooda tijaabada iyo dhoolatuska hubkooda, oo nooc kasta oo hub ah ay ku riddeen dhulka Suuriya , markaa oo xasuuq aan horey looga diiwaangelin bariga dhexe ay ka geysteen Ruushka iyo Iran gudaha Suuriya , markaa oo la arkay Tehran inay u adeegsatay doonista bahanimada ah ee Assad , mid ay ku beddesho dhulka Suuriya oo ay ka barakiciso si khasab ah bulshada ugu badan Suuriya ee sunniyiinta.
Inta uu socday howlgallada naxdinta lahaa ee Assad ay xulafadiisa ku difaacayeen, waxaa la arkay dilka, dhaawaca iyo xad-gudubyada aan horey loo diiwaangelin ee ay la kulmeen dadka Suuriya , gaar ahaan bulshada sunniga ah, kuwaasoo kooxaha Iran ay si khasab ah dhulkooda uga barakiciyeen, gurayahooda iyo magaalooyinka laga barakiciyay waxaa la dejinayay qoysas shiico ah oo la isaga kala keenay, Iran, Ciraaq, Afgaanistaan iyo Pakistan , tan oo la mid ah waxa ay Israa’iil ku sameyso Falastiiniyiinta. Balse dhibaatada waxaa dhalisay marxaladda maanta oo dib ay si dhaqso leh dhaqdhaqaaqayasho ula soo laabteen qeybihii ugu muhiimsanaa dhulkooda, illaa ay masaafo ka yar labo boqol oo kilomitir u jirsadeen magaalada caasimadda ah ee Dimishiq iyo halka uu joogay Assad, taa oo galisay waqtigan Bashaar Al-Assad xaalad argagax leh.
Ma jiro cid wali si cad u sharrixi karta sida uu ku billowday howlgalkan, balse Turkiga ayaa ah cidda loo arko inay ka dambeysa awoodda kooxaha iskutagay ee u dagaallamaya xorriyadda iyo gobonimadooda, mana jirto farqi u dhaxeeya dagaalkooda inay bulsho iska qaadaysa gumeyste arxan-darro ah.
Maxaa dhacay ka hor weerarkan?
Muddooyinkii u dambeeyay waxa ka socday waqooyi-galbeed Suuriya gaar ahaan baadiyaha Idlib, ma ahayn wax iska caadi ah, sababtoo ah kooxaha hubaysan ee sunniga Carabta ah waxay dhiseen qolka howlgalka oo lagu mideeyay dhammaan kooxaha sunniga carabta ee hubeysay oo ay hoggaaminayso kooxda Xayat Taxriir al-Sham.
Hoggaamiyaha Xayat Taxriir al-Sham, Abu Maxamed al-Jawlani ayaa u beddelay kooxaha sunniga ah ee Carabta , kuwa leh awood militari oo dhab ah , waxay noqdeen kooxihii u horreyay ee sunni ah oo soo saara diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo wax soosaar kale oo hub, waxay sidoo kale dagaalyahannadu qaateen tababaro dhammeystiran oo militari , dabcan waxaan ku sheegi kara wax kasta oo baadiyaha Idlib ka socday waxay ku dhacayeen oggolaanshaha sirdoonka Turkiga ee MiT, sababtoo goobta ay wax walba ka socdaan waa xadka iyo agga ay ku suganyihiin ciidanka Turkiga, tana waa sababta uu Turkiga si dhaqso leh isugu beddelay kaliya saddex maalin cidda leh doorka ugu muhiimsan ee dagaalka Arbacadii bilowday.
Maxay tahay danta Turkiga?
Haddii aad la socotay war tabintayda boggan, waxaad aragtay wararka la xiriira Turkiga wuxuu wajahaya xaalad amni oo halis, suragal waxaa ah weerarro ka dhici kara gudaha Turkiga iyo khataro ay wajihi karto Ankara , tan waxaa lala xiriiriyay waxa ka socda bariga dhexe iyo surtagalnimada in Turkiga uu wajhi karo khatar ka timaada Israa’iil, waxaa xigtay toddobaadyo ka hor in madaxa nabad-sugidda Turkiga uu saacado badan joogay xarunta ururka mucaaradka ugu weyn Turkiga , halkaa oo la sheegay inuu ku siiyay warbixin amni,kullanka ka hor afhayeenka xisbiga talada haya wuxuu sheegay in heegan ay ku jiraan ciidanka Turkiga oo xilli walba ay geli karaan Suuriya ,iyagoo ka hor tagaya khatar uga imaanaya Turkiga dhinaca Suuriya , waxa xigay arrimahan waa duullaanka lama filanka ah ee ay billaabeen kooxaha sunniyiinta Carabta oo si lamo filaan ah u qabsatay illaa magaalada Hama ee bartamaha Suuriya , iyagoo ka gudbay waqooyiga oo dhan.
Dhacdooyinkaa ayaa ina siinaya in sirdoonka MiT ay diyaarinayeen , waxa ka socda Suuriya , oo dhinaca kale u beddelay xaaladda bariga dhexe iyo Suuriya. Cabsida Turkiga waa halista uga imaan karta kooxaha kurdida oo ay ka mid tahay kooxda PKK oo hadda la arkay in laga saaray deegaannadii ay ka joogtay aagga ugu dhow xadka Turkiga , howlgalkana wuxuu muujiyay in lagu sugayo nabadgalyadda Turkiga , sababtoo ah wax ka badan labo kun oo kilimitir waqtigan oo ka fog xadka Turkiga waa dhul ay maamullayaan kooxaha uu taageerro Turkiga , waxaa bariga la isugu geeyay kooxaha kurdida — natiijadana waxay noqotay in dagaalka uu dhaliyay in khatarta laga fogeeyay dhulka Turkiga.
Dhaqdhaqaaqyada uma suragalin Turkiga inay ka fogeeyeen khatarta ee sidoo kale waxay meesha ka saarayaan xaaladda burburka ku ridday xisbiga talada haya ee AK Party iyo Erdogan ee la xiriirta arrinta qaxootiga Suuriya ee sida khasabka ah oo barakiciyay.
Waa maxay fursadda uu lumiyay Assad?
Muddo lix bilood ah waxaa jirtay dadaal uu bixiyay Erdogan si uu wada-xaajood ula galo Bashaar Al-assad , sababtoo ah hab wada -hadal ayuu doonayay Erdogan inuu ku xalliyo dhibaatada dhinaca Suuriya ,balse way guul-darraysteen iskudayo ay diyaariyeen Ruushka iyo Ciraaq si wadahadalka loo billaabo.
Bashaar Al-Assad , wuxuu ku adkeystay si uu wadahadal ula yeesho Erdogan in laga hormariyo ciidanka Turkiga inay isaga baxaan dhulka ay kaga suganyihiin waqooyiga Suuriya, taa khad cas uu u arko Turkiga , sabab la xiriirta amniga qarankiisa, maaddama ay tan u fududeynayso Assad inuu burburiyo dadka ku haray Idlib oo uu si khasab ah ugu soo barakiciyo dhinaca Turkiga. Laakin diidmadaa waxay ku dhalisay Turkiga inuu dhibaatadiisa ku xalliyo hab militari , oo maanta galisay xaalad argagax leh iyo inuu Bashaar Al-assad dib u raadiyo Turkiga , isagoo la hadlaya hoggaamiye kasta oo gobolka ah iyo mid kasta oo saameyn ku leh xaaladda bariga dhexe, balse hadda wax walba faraha waa ay ka baxeen — Turkigana wuxuu si dhaqso leh u xalliyay dhibaatadii muddada tobanka sanno ka badan ka heysatay Suuriya , dabcan dhaqdhaqaaqyada mucaaradka hadda waxay ka soo baxeen waxa ay kula heshiiyeen Erdoğan oo ah inay khatarta ka fogeeyaan, sidoo kalena aag nabdoon u diyaariyaan qaxootiga Suuriya ee ku sugan Turkiga, markan waxay joogta Erdogan iyo inuu fuliyo waxa uu kula heshiiyay Abu Maxamed al-Jawlani, oo iska siibay tuutihii uu xirnaa, wuxuu iska jaray timihii badnaa, isagoo xirtay shaakad, tani dabcan waa isku diyaarin jago hoggaamineed oo la aqoonsanyahay, wuxuuna leeyahay Jawlani — sooyaal inay waji kasta u sameystay si uu Assad uga adkaado, si ay ugu suragasho inuu noqdo hoggaamiye la aqoonsan yahay oo Suuriya ah.
Wajiga dagaalka iyo waxa ka dhici kara magaalada Xumus (Hams) ee qalcadda Bashaar Al-assad ayaa go’aamin karta joogitaanka Assad iyo inuu qaato heshiis siyaasadeed oo awood siinaya sunniyiinta Carabta.