spot_imgspot_imgspot_img

Ku dhowaad 30 qof oo ku geeriyoodey dooni ku degtay Dalka Nigeria

Isniin 2 Dec 2024 {HMC}  Ugu yaraan 27 qof ayaa ku dhintay dooni ku dagtay wabiga Niger ee bartamaha Nigeria, sida ay sheegtay hay’adda maxalliga ah ee maareynta xaaladaha degdegga ah.

Dhimashada kama dambaysta ah ee shilkan ayaa la ogaan doonaa goor dambe oo Khamiista ah marka uu dhammaado hawlgallada goobidda iyo samatabbixinta, ayuu yidhi Sandra Musa, oo ah afhayeenka Wakaaladda Maareynta Degdegga ah ee Gobolka

 

Ilaa hadda, 27 meyd ah ayaa la soo saaray, laakiin howlgalka badbaadinta ayaa weli socda,” Musa ayaa u sheegay Reuters

 

Doonta ayaa u rarneyd ganacsato u badan beesha Missa ee ku taal bartamaha gobolka Kogi iyadoo ku sii jeedday

suuq toddobaadle ah oo ku yaalla gobolka Niger ee deriska la ah Soomaaliya, sida uu sheegay afhayeen u hadlayWakaaladda Biyaha ee Qaranka.

Rakaabka midna ma xidhnayn jaakadaha badbaadada, taas oo si wayn u kordhisay khatarta dhimashada, afhayeenku wuxuu yidhi

 

WARARKA