Axad 1 Dec 2024 {HMC} Madaxweynaha Isaias ayaa ku sheegay faallooyinkiisa ku aaddan Madaxweynaha Mareykanka ee la doortay, Donald Trump iyo fikradda ah “America Great Again” ay muujineyso in saameynta Mareykanka ee caalamka ay sii yaraaneyso.
Wuxuu sheegay in saameynta Mareykanka ee dhinacyada dhaqaale, milatari, tignoolajiyad iyo kuwo kale ay hoos u dhacday soddankii sane ee la soo dhaafay.
Madaxweynaha Isaias ayaa sheegay in saameynta dhaqaale iyo tignoolajiyadeed ee Shiinaha iyo saameynta Ruushka ay caqabad ku yihiin Mareykanka.
Wuxuu intaas ku daray, ma noqon doontaa maamulka cusub ee Mareykanka mid wax ka beddela siyaasadda? Waxa uu sheegay in arrintaas ay shaki ku jirto.
Madaxweynaha Ereteriya; wuxuu sheegay in ay weli horay u tahay in la saadaaliyo in siyaasadaha Trump ay isbedel keeni doonaan.
“Waxaan u baahanahay inaan shaqada horey u qabanno oo diyaar u noqonno inaan dhisno xiriir wax dhisaya,” ayuu raaciyay.
Xiriirka Ereteriya ee Mareykanka ayaa ahaa mid aan degganeyn muddo ku dhow saddexdaatan sano, waxaana Madaxweynaha Isaias marar badan ku eedeeyay Mareykanka in uu mas’uul ka yahay xiisadda ka jirta dalkiisa iyo gobolka.
XIGASHO BBC