Axad 1 Dec 2024 {HMC} Dadka deegaanka iyo qaraabada ayaa sheegay in ugu yaraan sagaal qof lagu dilay weerar ka dhacay deegaanka Arsi ee gobolka Oromada ee dalka Itoobiya maalintii Khamiista.
Adebebu Workineh waa qof degan xaafada Shirka — ama degmada — ee Aagga Arsi, oo qiyaastii 250 kiiloomitir koonfur-bari kaga beegan Addis Ababa. Waxa uu VOA-da u sheegay walaalkiis ka yar, Haile Workineh, inuu ka mid yahay sagaalka qof ee la dilay.
Qof labaad oo degan Shirka, oo magaciisa ka gaabsaday sababo la xiriira ammaankiisa, ayaa sheegay in dadka la laayay ay u badnaayeen Masiixiyiin. Afar qof oo kale oo la afduubtay kuwaas oo aan la ogeyn halka ay ku danbeeyeen sida uu VOA u sheegay.
Baraha bulshada ayaa lagu daabacay muuqaal la sheegay in sagaal meyd ah oo ku duuban dhar cad oo la wada aasayo.
Warbaahinta Madaxa banaan ma awoodaan inay si madax banaan u xaqiijiso muuqaalka lagu baahiyay baraha bulshada.
Deegaanka Arsi oo ah gobol caan ku ah beeraha ayaa hadda waxaa ka dhacay rabshado iyo dilal.
Dadka deegaanka ayaa dilkan ku eedeeyay ciidanka Xoraynta Oromada oo ah jabhad sharci darro ah oo dagaalka kula jirta ciidamada dawladda Itoobiya.
Taliyaha ciidanka Xoraynta Oromada oo lo so gaabiyo OLA, ayaa sheegay in aanu haynin xog faahfaahsan oo ku saabsan dhacdadan, wuxuuna beeniyay in OLA ay ku lug leedahay.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dhacdooyinka noocan oo kala ah maamulka ka jiro deegaanka ay wax yar ka qabtaan ilaalinta dadka rayidka ah.
Xisbiga ENAT oo ka mid ah xisbiyada mucaaradka ah ee Itoobiya ayaa cambaareeyay weerarka.
“Walaacayagu ma ahan kuwii dhintay, waxaan la xiriireynaa saraakiisha gobolka si ay u soo qabtaan dadka dilka noocaan oo kale ah geystay, sidoo kale waxaan si deg deg ah ugu baaqaynaa in gobolka uu wax ka qabto,” ayuu yiri xoghayaha guud ee xisbiga.
OLA ay ku eedaysay dawladda inay ku guuldareysatay inay wax ka qabato “dhibaatooyinka aasaasiga ah” ee ka taagan dalka, sida ay sheegtay Reuters.
Dhinaca kale Maamulka gobolka deegaanka Oromia ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan weerarkan dadka badan lagu dilay.
Xaalada wadanka Itoobiya ayaa aad u qasan mudooyinkii danbe waxaana jiray isku dhacyo u dhaxeeya Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Qowmiyadaha kaladan taas oo deegaanada qaas sababatay in gacanta Dowladda laga saaro.
XIGASHO VOA