Sabti 30, Nov 2024 {HMC} Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle Muuse Salaad Wehliye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo ay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed.
Wafdiga uu horkacaayo Guddoomiye Muuse ayaa u tagay deegaanada ku yaala xadka labadaan gobol ay wadaagaan baajinta colaada u dhaxeysa laba beelood oo walaalo ah..
Wuxuu sheegay guddoomiyaha gobolka Hiiraan iney ka go’an tahay xal u helista dagaalada soo noqnoqday ee maleeshiyaadka labadaan beelood marar badan dhex maray.
Guddoomiye Weliye ayaa ugu baaqay waxgaradka labadaan beelood iney kala shaqeeyaan sidii loo kala qaadi lahaa maleeshiyaadka dagaalamay, islamarkaana xal loogu heli lahaa dhameystirka colaadaan soo laablaabatay.