Jimco 29, Nov 2024 {HMC} Ciidanka Booliska Soomaaliland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeem eedaysane loo haysto dil maanta oo Jimce ah ka dhacay magaalada Hargeysa.
Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliland ayay ku sheegeen in ay gacanta ku dhigeen eedaysane Maxamed Baashe Faarax oo loo haysto dil maanta ka dhacay degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa.
Maxbuus Maxamed Baashe oo da’diisu tahay 24 sano jir ayaa ku eedaysan dilka marxuum Khadar Xaashi Ismaaciil oo 37 jir ah kadib markii uu ku dilay mindi sida uu sheegay Booliska Somaliland.
“Ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa gacanta kusoo dhigay eedaysane Maxamed Baashe Faarax Ina Khadra Badel 24 jir ah oo ku eedaysan in uu maanta ku dilay degmada Maxamuud Haybe Marxuum Khadar Xaashi Ismaaciil 37 jir ahaa” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska Somaliland.
Ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa sidoo kale sheegay in eedaysanaha baaris lagu samaynayo islamarkaana si deg deg ah sharciga la horgeyn doono.