spot_imgspot_imgspot_img

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay ka dib dhul go’ ka dhacay bariga Dalka Uganda

Khamiis 28, Nov 2024 {HMC}  Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay bariga Uganda ka dib markii dhul go’ ay ku aaseen 40 guri oo ku yaalla lix tuulo, sida ay sheegeen saraakiisha gargaarka Khamiistii.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee dalka Uganda ayaa sheegtay in 13 qof oo meyd ah la helay, waxaana weli socda gurmadka.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in mas’uuliyiintu ay filayaan in dhimashadu ay kor u dhaafi karto 30.

Dhul go’a ayaa yimid kadib roobab mahiigaan ah oo habeenimadii Arbacada ka da’ay deegaanka buuraleyda ah ee Buulambuli, halkaasi oo ay ku badan yihiin dhul go’a. Degmada ayaa qiyaastii 280 KM dhanka bari kaga beegan caasimadda Kampala.

Wariye ku sugan halka ay musiibada ka dhacay ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AP in mas’uuliyiinta deegaanka ay sheegeen in la keeni doono qodaal ka qeyb qaadanaya gurmadka, balse wadooyinka ayaa waxaa qariyay dhoobo, roobkuna uu weli da’ayo.

Dhulka ay dhibaatadu ka dhacday ayaa ah ilaa 20 hektar, iyadoo guryo iyo dhul beereed ay hoos ugu fidsan yihiin.

Sawirro iyo muuqaalo dad dhoobo qodaya oo baadi goobaya dhibanayaasha ayaa lagu wadaagay baraha bulshada. Guryaha qaarkood waxaa qariyay dhoobo halka qaar kalena ay lahaayeen saqaf ka sarreeya dhoobada.

Wargeyska Daily Monitor ayaa sheegay in meydadka ilaa hadda la helay ay u badan yihiin caruur.

Dowladda ayaa Arbacadii la so dhaafay soo saaray digniin musiibo ah oo lagu sheegay in roobab mahiigaan ah oo ka da’ay guud ahaan dalka ay gooyeen waddooyinka waaweyn.

Dhinaca kale Laba doonyood oo samatabbixin ah ayaa ku rogmatay Arbacadii intii lagu jiray hawlgal samatabbixin ah oo ka socday webiga Nile ka dib markii ay go day buundadii marinka u aheyd gurmadka.

WARARKA