spot_imgspot_imgspot_img

Maraykanka ayaa si degdeg ah u bilaabaya dhaqaajinta xabbad joojin cusub oo Gaza ah

Khamiis, 28 Nov-2024 {HMC} Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in Maraykanku uu mar u uku rixi doono quwadaha gobolka in xabbad joojin laga sameeyo Gaza, taas oo ku lug leh sii deynta la haystayaasha iyo in Xamaas laga qaado awoodda.

Hadalkiisa barta X waxa uu ku soo beegmayaa saacado un ka dib markii ay Lubnaan ka dhaqan gashay xabbad joojin u dhaxaysa Israa’iil iyo Xisbullah, taas oo soo afjartay ku dhawaad ​​14 bilood oo colaad ah.

Xamaas ayaa sheegtay in ay rajaynayso in heshiis kaas la mid ah uu ka dhaco Qaza balse ay waxa ay ku gacan sayrtay dalabaadka Israa’iil oo ay u aragto in ay isdhiibtay.

Israa’iil ayaa billowday olole ay ku burburinayso Xamaas iyadoo ka jawaabaysa weerar aan horay loo arag oo ay kooxdu ku qaadday koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoobar 2023, halkaas oo qiyaastii 1,200 oo qof lagu dilay, 251 kalena lagu qafaashay.

In ka badan 44,000 oo qof ayaa lagu dilay Gaza in ka badan 104,000 oo kalena waa lagu dhaawacay, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas.

“Maalmaha soo socda, Maraykanku waxa uu culeys saarayaa Turkiga, Masar, Qatar, Israa’iil, iyo kuwa kale si loo gaaro xabbad-joojin ka dhacda Gaza iyi in la sii daayo la haystayaasha, lana soo afjaro dagaalka iyada oo aan Xamaas awood lahayn,” ayuu ku sheegay Biden barta X.

WARARKA