spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Saraakiil Ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo Tababar loogu So xiray dalka Serbia.

Khamiis 28, Nov 2024 {HMC} Wasiirka Amniga Gudaha ee XFS, mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Serbia, ayaa tababar xirfadeed ugu soo xiray saraakiil Ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo la barey Baarista Dambiyada.

 

Saraakiishan oo laga soo xulay dhammaan maamul-goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir, ayaa muddo tababar sare ku qaadanayay kuliyadaha Booliska Serbia ee Goć.

 

Tababarka ayaa diiradda lagu saaray farsamooyinka casriga ah ee baarista dambiyada, falanqaynta caddeymaha, Maareynta dambiyada abaabulan, iyo adeegsiga teknolojiyadda sare ee baarista.

 

Wasiirka ayaa saraakiisha ku bogaadiyay dadaalkooda iyo guulaha ay ka soo hooyeen tababarka, isagoo uga mahadceliyay Serbia taageerada ay siisay Soomaaliya.

 

Mudane Fartaag, ayaa uga mahadceliyey dowladda Serbia tababarka iyo taageerada kala duwan ee ay la garab taagan yihiin ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo hey’adaha dalka, taas oo gacan wayn ka geysanaysa sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagaxisada ah ee khatarta ku ah amniga guud ee caalamka.

WARARKA