spot_imgspot_imgspot_img

Turkiga oo qabtay rag looga shakisan yahay dilka Raabi Yahuudi ah

Arbaco, 27 Nov-2024 {HMC} Istanbul — Wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa Talaadadii sheegtay in mas’uuliyiinta Turkiga ay gacan ka gaysteen soo qabashada tuhmanayaal lagu eedeeyay dilka Raabi Israa’iili ah oo ka dhacay Imaaraadka.

Warbixin ay baahisay wakaaladda wararka ee dowladda, ayay wasaaraddu uga mahadcelisay mas’uuliyiinta Turkiga “la-shaqeynta ay ka sameysay soo qabashada dembiilayaasha”, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah bixin.

Mas’uuliyiinta Imaaraatka ayaa sheegay inay xireen saddex nin oo Uzbekistani ah oo looga shakisan yahay inay dileen Zvi Kogan, oo ahaa 28 jir Raabi ah, kaasi oo ku noolaa Imaaraadka sidoo kalena haystay dhalashada Moldova.

Saddexda tuhmane ayaa laga qabtay magaalada Istanbul, hawlgal qarsoodi ah oo ay dabayaaqadii todobaadkan fuliyeen sirdoonka iyo booliska Turkiga, iyaga oo raacaya codsiga dawladda Imaaraadka Carabta, sida laga soo xigtay il-wareeydo dhinaca ammaanka oo Turkish ah.

Sirdoonka Turkiga ayaa ogaaday duulimaadka ay tuhmanayaasha ku yimaadeen Istanbul, waxaana booliska Turkiga ay qabteen markii ay ka tageen garoonka, sida ay sheegeen ilo-wareedyada.

Ilo-wareedyada ayaa sidoo kale sheegay in Turkiga uu eedeysanayaasha u gacan galiyay Imaaraadka.

Lama shaacin xaaladda ku hareereysan dhimashada Kogan, mana cadda in madaxda Imaaraatka ay go’aamiyeen sabab dhiiri-gelisay ama halka ay ku sugnaayeen saddexda tuhmane markii la xirayay.

Saraakiisha Israel ayaa sheegay in Kogan loo beegsaday sababtoo ah inuu ahaa Yuhuudi waxayna, dilkiisa ku sifeeyeen weerar Yahuud nacayb ah. Hay’adaha Israa’iil ayaa gacan ka geysanaya baaritaanka.

Kogan waxa uu ku noolaa dalka Imaaraatka muddo dhowr sano ah, waxaana uu ku lug lahaa wacyigelinta bulshada Yuhuuda ee dalkaas.

Khamiistii ayaa la sheegay in la waayay, waxaana meydkiisa la helay Axaddii.

Saraakiisha Uzbekistan ayaa sheegay in xukuumadda Tashkent ay ka caawinaysay Imaaraatka iyo mas’uuliyiinta Israel baaritaanka.

Laba ka mid ah eedeysanayaasha la xiray ayaa da’dooda lagu sheegay 28-jir, halka midka saddexaadna uu yahay 33-jir.

WARARKA