spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Madaxwayne Erdogan oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socdo Soomaaliya.

Arbaco 27 Nov, 2024 {HMC} Madaxwaynaha Dalka Turkiga Mudane Racep Tayyip Erdogan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada ee Baarlamaanada Soomaaliya iyo Turkiga Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga wadankaasi Turkiga.

Guddoomiye Saadaq Cumar ayaa Madaxwayne Erdogan gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Wadanka Turkiga Erdogan ayaa xubnaha wafdiga kaga mahadceliyay booqashada ay ku joogaan Dalkaasi, isaga oo ku amaanay shaqada wanaagsan oo ay wadaan ee la xiriirta xoojinta xiriirka walaalnimo ee labada baarlamaan.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Wadanka Turkiga Danjire Fatxudiin Cali Maxamed iyo Guddoomiyaha Gudiga Saaxiibtinamada Baarlamaanka dalka Turkiga Mudane Abdirahim Firat.

WARARKA