Isniin 25,Nov 2024 {HMC} Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in gantaallo culus oo ay tuurtay kooxda Xisbullaah in lagu beegsaday deegaannada ay xoogga ku heysato Yuhuudda, waxaa ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo burbur ilaa haatan aan si rasmi ah loo shaacin inta uu gaarsiisan yahay.
Qaar kamid ah Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegay in gantaallada qaar ay gudaha u galeen Xeryo ay leeyihiin Militariga Yuhuudda kuwaas oo la aaminsan yahay in ay dhaliyeen khasaara dhimasho iyo dhaawac balse tiro ramis ah ma shaacin.
Xisbullaah ayaa wacad ku martay in ay dhulka dhigeyso Israa’iil oo saacado kahor weerarkaan bambooyin culus ku dhufatay Magaalada Beyruut ee Caasimadda Dalka Lubnaan oo Dad badan oo rayid ah ay ku nafwaayeen kuna dhaawacmeen.
Magaalada Tel Aviv xalay lagama hurdin oo gantaallada culus ee Xisbullaah ayaa sidii roobka oo kale ugu hoobanayay, waxaana Dadka Yuhuudda ah la faray in ay galaan dhismaha hoose ee guryaha ay degen yihiin si ay uga badbaadaan waxyeello kasoo gaarta weerarkaas.