spot_imgspot_imgspot_img

Doowladda Iran oo iska fogeysay masuuliyadda dilka loo geestay Rabbi Tsoi Kogan

Isniin 25,Nov 2024 {HMC}  Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta , waxaa lagu dilay wadaad yahuudi ah oo kunoolaa magaaladaasi, waxaana ciidamada dambi baarista ee dowladda Imaaraadka Carabta wadaan baaritaanno la xariira dilkaasi iyo cidda ka dambeysa.

Warbaahinta laga leeyahay Israa’il ayaa ku eedeysay dilka Imaaraadka loou geestay Rabbi Tsoi Kogan, in ay ka dambeesay dowladda Iran, waxaa sidoo kale dilkaasi Iran ku tuhmaya sirdoonka Israa’iil iyo madaxda maamulka Yahuuda ee Israa’iil.

Safaarada Iran ku leedahay dalka Imaraadaka Carabta ayaa beenisay eedeynta la xariirta in Iran ka dambeesay dilka ninka yahuudiga ah, waxa ayna safaaradda warkaasi ku tilmaanta mid waxba kama jiraan oo loogu gafayo Iran.

Wadaadkan yahuudiga ahaa ee kunoolaa magaalada Dubai ee dalka Imaaradaka Carabta ayaa meydkiisa laga dhax helay gaarigiisa isaga oo la dilay, mana jiro ilaa hadda cid sheegatay masuuliyadda dilkiisa , marka laga reebo in Israa’iil ku tuhmayso Iran.

WARARKA