Isniin 25,Nov 2024 {HMC} Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shababa oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaalka ayaa yimid, kadib arkii maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan Guutada 14 Oktoobar ay ku leeyihiin deegaannada Janaale iyo Buufow Bacaad ee gobolkaasi.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in weerarka kadib uu xigay iska hor imaad toos ah oo u dhexeeyay Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday iyo ciidamada dowladda, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan, walow aan la xaqiijin karin inta uu gaarsiisan yahay.
Saraakiil u hadashay milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka uga yimid Al-Shabaab, ayna dib u celiyeen xubnihii duulaanka soo qaaday.
Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in khasaare culus dagaalkan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, welina ay sii wadaan howlgallo baacsi ah.
Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya oo weli baaritaano kasii wada halkaasi.
Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla Shabeelaha Hoose.