spot_imgspot_imgspot_img

Axmed Madoobe oo Markii 3aad loo doortay Madaxweynaha cusub ee Jubbaland

Isniin 25,Nov 2024 {HMC}  Golaha Wakiillada dowlad goboleedka Jubbaland, ayaa goordhaw Madaxweynaha cusub ee maamulka Jubbaland u doortay Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), kaddib doorasho natiijadeeda horey loo sii ogaa oo ka dhacday magaalada Kismaayo.

Doorashada Madaxweynaha Jubbaland waxaa kula tartamayay Axmed Madoobe saddex musharax, hasa ahaatee Axmed Madoobe ayaa helay 55 cod wareegii koobaadna , halka musharaxa kusoo xigay Feysal Maxamed Mataan uu helay 16 cod, waxaa isna 4 cod helay Musharax Abuukar Cabdi Xasan ..

Guddoomiyaha golaha Wakiillada Jubbaland ayaana shaaciyay in doorashada ku guuleestay Axmed Madoobe oo wareegii koobaadba helay 55 codad oo ka badan intii looga baahnaa, waxa uuna sidaasi mar kale ku noqonayaa Madaxweynaha cusub ee Jubbalabd shanta sanno ee soo socota.

Magaalada Kismaayo iyo deegaanno kale oo katirsan Jubbaland waxaa durba ka bilaabatay dabaaldegyo lagu soo dhaweenayo dib u doorashada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana meelaha qaar laga maqlayaa rasaas loo ridayo dabaaldeg ahaa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in aysan aqoonsan doonin dib u doorashada Axmed Madoobe, waxa uu sidoo kale dhankiisa Axmed Madoobe shaaciyay in uusan aqoonsi uga baahneyn dowladda Federaalka, balse uu aqoonsi ka rabo shacabka Jubbaland.

WARARKA