spot_imgspot_imgspot_img

Soomaaliya iyo Taliyaaniga oo iska kaashanaaya dib u habeynta Garsoorka dalka.

Axad 24,Nov 2024 {HMC}  Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir oo hoggaaminayay wafdi ka socda garsoorka Soomaaliya, ayaa ka qaybgalay shir muhiim ah oo ka dhacay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo cusboonaysiin lahaa xiriirka ka dhexeeya garsoorka Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Intii uu shirku socday, waxaa lagu heshiiyay in shirarka dambe lagu kala saxiixo heshiisyo iskaashi, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay in la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqeynta labada dhinac ee garsoorka.

Wafdiga ayaa sidoo kale booqasho ku tagay Maxkamadda Sare ee Dacwadaha Maamulka (Administrative Supreme Court), halkaas oo ay kula kulmeen madaxweynaha maxkamaddaas.

Waxa ay wafdiga ay kulan rasmi ah la yeesheen Madaxweynaha Maxkamadda Sare ee Talyaaniga, iyagoo isla soo qaaday muhiimadda iskaashiga labada hay’adood ee garsoorka.

 

Intii ay booqashada ku guda jireen, wafdigu waxay soo gaareen Jaamacadda Roma, halkaas oo ay kulan kula yeesheen Madaxweynaha Qeybta Sharciga ee jaamacadda iyo khubaro cilmi-baarisyo ku sameeyay Soomaaliya.

Khubaradan ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan horumarinta garsoorka Soomaaliya iyo sidii cilmi-baarista looga faa’iideysan lahaa si loo hagaajiyo nidaamka sharciga ee dalka.

Booqashadan iyo shirarku waxay astaan u yihiin dedaalka lagu xoojinayo xiriirka dhinacyada sharci iyo garsoor ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.

 

WARARKA