Axad Nov 24, 2024 {HMC} Weriyihii weynaa ee BBC Somali Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad ayaa la xaqiijiyey in caawa uu ku geeriyooday magaalada Hargeysa ee Somaliland.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay geerida Weriye Cabdirisaaq, waxaana warbaahinta dowladda lagu baahiyey tacsida geeridiisa oo ka soo baxday wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, ku xigeenkiisa iyo Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo BBC ay ka soo wada shaqeeyeen ayaa kamid ah madaxda tacsida u dirtay qoyskii uu ka geeriyooday Weriye Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad.
Allaha u naxariistee C/risaaq Xaaji Maxamed Siraad wuxuu ahaa saxafi rug cadaa ah, waxa uu kasoo hawlgalay Idaacadaha Radio Muqdisho iyo Radio Hargeysa, sidoo kalena waxa uu mudo fog ka tirsanaa Idaacadda BBC, laanteeda afka Soomaaliga.
Weriye Cabdirisaaq ayaa muddo dheer ka tirsanaa Idaacadda BBC, halkaas oo dadka Soomaaliyeed ay kala soca jireen, wuxuuna ka mid ahaa weriyaasha ugu tebinta wanaagsan.
Waayihii dambe wuxuu ka fariistay shaqada saxaafadda, maadaama uu noqday nin da’ ah, wuxuuna ku noolaa magaalada Hargeysa oo ugu dambeyntii uu caawa ku geeriyooday.
Berri iyo wixii ka dambeeya ayaa lagu wadaa in meydkiisa lagu aaso Hargeysa oo Isniintii lasoo dhaafay lagu aasay madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo.