spot_imgspot_imgspot_img

Siyaasi Caan ka ah Jubbaland oo weer Lagu Qaaday

Sabti 23, Nov 2024 {HMC}  Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland, ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaasi iska horimaad ku dhax maray ciidamada booliiska Jubbaland iyo ciidamo kale uu watay Senator katirsan Aqalka Sare.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada Booliiska Jubbaland iyo ciidamo ilaalo u ah Senator Ilyaas Gaboose oo katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kana mid ah siyaasiyiinta sida weyn xilligan uga soo horjeeda dib u doorashada Axmed Madoobe.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo warinayaa in uu ka dhashay iska horimaaka goordhaw ka dhacay magaalada Kismaayo, waxaana dadka dhintay ku jira darawalkii Senatar Ilyaas Gaboose oo kamid ah siyaasiyiinta Jubbaland.

Xaalada aagii iska horimaadka uu ka dhacay ayaa lasoo warinayaa in ay hadda degan tahay, waxaana aagasai gaaray ciidamo hor leh oo katirsan kuwa ammaanka maamulka Jubbaland, lamana oga ciidamada tallaabooyin hor leh oo ay qaadi doonaan.

Senator Ilyaas Gaboose oo kamid ah mucaaradka Axmed Madoobe , ayaa sheegay in uu u sharaxan yahay xilka Madaxweynaha, waxa uuna dhawaan shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho eedeymo culus ugu jeediyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

WARARKA