spot_imgspot_imgspot_img

Saraakiil ka tirsanaa AS oo duqayn lagu dilay.

Sabti 23, Nov 2024 {HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay diyaarado dagaal ay duqeymo xoogan ka gaysteen aagga degmada Sablaale ee gobolkaasi, iyada oo lala beegsaday xubno ka tirsan kooxda AS.

Duqeynta oo ahayd mid bartilmaameed ah ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Haawaay, xilli ay ku sugnaayeen saraakiil iyo xubno ka tirsan kooxda oo lagu laayay halkaasi.

Ugu yaraan 12 xubnood oo isugu jiro dagaalamayaal iyo saraakiil sar sare ayaa lagu dilay weerarkan dhanka cirka ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Saraakiisha howlgalkan lagu khaariyay waxaa kamid ahaa:

1.Abuu Yaasir Ama Abuu Saciid oo ka soo jeeda gobolada waqooyi wuxuna ahaa amiirka guud ee amniga dibadda ee ururka

2.⁠Abdiladiif Abu Zubeer waxa uu ahaa sargaal Qayta tababarada ee AS haystay

3.⁠Abuu Ayuub isaguna wuxu ahaa guddomiyaha deegaanka Haawaay.

Xaaladda ayaa weli cakiran, waxaana deegaanka la duqeeyay buux dhaafiyay maleeshiyaad ka tirsan kooxda oo isku geedaamay goobta ay duqeyntu ka dhacday.

Marar badan ayaa AS lagu duqeeyay gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana horay 2014-kii deegaanka xalay howlgalku ka dhacay lagu dilay hogaamiyihii hore ee kooxda.

WARARKA