spot_imgspot_imgspot_img

Maxeey tahay Sababta ay Jubbaland uga digtay Diyaaradaha UN ka.?

Sabti 23, Nov 2024 {HMC} War saxaafadeedka waxaa lagu yiri ” Jubaland waxay ku wargelinaysaa dhammaan hay’adaha Qaramada Midoobay (UN) iyo ATMIS in doorashooyin muhiim ah ay ka socdaan gudaha Jubbaland.

Sidaas darteed, Wasaaraddu waxay ku adkeyneysaa in diyaaradaha UN-ka aan loo adeegsan karin arrimo siyaasadeed, si loo ilaaliyo hufnaanta iyo xasilloonida doorashooyinka”.

Sidoo kale, Wasaaradda amniga ee Dowlad Goboleedka Jubaland waxay ku wargelisay hay’adahaasi eedo kulul oo ay ujeedisay Xukuumadda oo ay sheegtay in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu qaadayo tallaabooyin ay ku tilmaamtay mid sharci-darro ah oo lagu doonayo in qorshe siyaasadeed oo guracan lagu fuliyo adeegsiga diyaaradaha UN iyo ATMIS.

War saxaafadeedka kasoo baxay Jubbaland ayaa sidoo kale lagu xusay in Jubbaland ay si adag u cambaareyneyso isku dayo ay sheegtay inuu sharci-darro yahay oo ay waddo xukuumadda Federaalka Soomaaliya, taas oo abuureysa qalqal amni oo ka dhan ah deegaanada Jubbaland, wasaaradda waxa ay ku tilmaamtay Ficilladan kuwo ku saleysan rabitaan shaqsiyeed oo aan waafaqsaneyn dastuurka dalka, kaas oo ay wadaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha DFS.

Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland, ayaa ugu baaqday dhammaan hay’adaha caalamiga ah inay ixtiraamaan sharciga dalka ee ku dhisan nidaamka Federaalka iyo labada heer dowladeed, si loo ilaaliyo xasilloonida iyo wada shaqeynta gudaha Jubaland.

WARARKA