Sabti Nov 23, 2024 {HMC} Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa sheegay in shidaal iyo gaaska dabiiciga ah uu dhex ceegaago xeebaha Soomaaliya.
Intii uu ku jiray khudbad uu ka.jeedinayay baarlamanka Dalkiisa ayuu Madaxweynuhu ka sheekeeyay guulaha uu gaaray Markabka shidaalka ka baaraya Soomaaaliya ee Dowladda Turkigu ay leeyahay.
“Baaritaanadii laga sameeyay Badda Soomaaliya waxaa lagu arkay kheyraad iska ceegaaga, baarayaasheena waxay noo sheegeen in Somalia hoggaan u noqon karto wax soo saarka Shiidaalka caalamka” ayuu yiri Erdogan.
Madaxweynaha Wadanka Turkiga Erdogan ayaa sheegay in hadii la soo saaro Kheyraadkan kaliya uusan anfici doonin Soomaaliya ee xitaa kobaca dhaqaalaha Wadanka Turkiga uu kaalin weyn ka galayo.
Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya u soo diray maraakiib sahan iyo baaritaan ka wada xeebaha Somalia kuwaasoo haatan warbixinada hordhaca ah ay sheegayaan in natiijo wanaagsan laga gaaray,