Sabti 23 November-2024 {HMC} Madaxweynaha Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam oo ah musharax Madaxweyne ayaa goor dhow gudoomay shahaadada musharaxnimo.
Axmed Madoobe ayaa gaaray xarunta guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha Jubbaland halkaasoo aay ka socoto diiwaan gelinya msuaraxiinta
“Waxaan maanta qaatay Shahaadada musharaxnimo ee Xilka Madaxweynaha Dowladda Jubaland. Waxaan u mahad celinayaa Guddiga Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Guddiga Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland ee qaaday masuuliyada culus ee qabashada Doorashooyinka Jubaland ee Sanadkan 2024” ayuu yiri Axmed Madoobe oo saxaafada kula hadlay Kismaayo.
Waxaa uu sheegay inuu ku qanci doono natiijo kasta oo ka soo baxda doorashada hogaanka Jubbaland uuna aqbalayo hadii laga guuleysto.
Musharaxiin kale oo malxiis ah ayaa sidoo kale loo diiwaan geliyey doorashada oo ay iska cadahay in shaqsiga ku soo baxaya uu yahay Axmed Madoobe oo 14kii samo ee la soo dhaafay horkacayey Jubbaland.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa xili maanta magaalada Kismaayo lagu doortay Madaxweyne kale oo Jubbaland yeelaneyso kaasoo ay gadaal ka riixeyso dowlada Somalia oo diidan doorashada Axmed qabanayo, waxaana talabadaas ka dhashay dagaal dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Kismaayo.