Sabtib 23 November-2024 {HMC} Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga Madaxtooyada kulan salaan iyo xogwarran ah kula qaatay Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).
Muuse Biixi ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee la doortay , waxa uuna sheegay in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo si qurux badana ugu wareejiyo xilka Madaxweynaha iyo qasriga uu hadda ku sugan yahay.
Magaalada Hargeysa waxaa hadda ka socota qaban qaabada munaasabad weyn uu xilka kula wareegi doono Madaxweynaha cusub ee maanulka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.
Kulankan maanta ka dhacay Madaxtooyada Somaliland ,waxa labada madaxweyne ku wehelinayey shir-guddoonka labada gole ee guurtida iyo wakiillada iyo guddoomiyaha maxkamadda sare.