spot_imgspot_imgspot_img

Maxay yihiin gantaallada Storm Shadow ee Ukraine ay ku garaacday Ruushka?

Khamiis 21, Nov 2024 {HMC} Ukraine ayaa markii ugu horeysay gantaalada riddada dheer ee Storm Shadow ee UK ku riday bartilmaameedyo ku yaala gudaha Ruushka, sida ay muujinayso xog la helay.

Dalka ay dagaalladu aafeeyeen ayaa hore loogu xaddiday in uu gudaha Ruushka u isticmaalo gantaallada riddada dheer.

Wararka ku saabsan duqeymahan ayaa imaanaya ka dib markii Ukraine la siiyay ogolaanshaha adeegsiga hubka Washington ee gantaalada riddada dheer.

Dawladdu way diiday inay ka hadasho wararkaas sababo la xiriira hawl-galada socda, balse saraakiisha ayaa xaqiijiyey in Xoghayaha Difaaca John Healey uu la hadlay dhiggiisa Ukraine habeenimadii Talaadada.

Wasiiradu waxay u badan tahay inay si taxadar leh uga jawaabaan warbixinada sababo la xiriira walaaca laga qabo falcelinta Ruushka, iyo sidoo kale in la hubiyo in tallabadaasi aan loo arkin mid ay hogaaminayso UK.

Mr, Healey wuxuu yiri: “Falka Ukraine ee goobta dagaalka laftiisa ayaa hadlaya.”

Wasiirka Difaaca ee Ukraine Rustem Umerov ayaa sidoo kale diiday inuu xaqiijiyo in dalkiisu uu u adeegsaday gantaalaha Storm Shadow ee gudaha dhulka Ruushka, balse wuxuu yiri“isticmaalayaan wax kasta oo ay ku difaacayaan dalkeena”.

Matthew Miller, oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, kama hadli doono adeegsiga gantaalka ay UK ama haddii Mareykanku uu Ukraine ka caawin doono isticmaakooda.

in Ukraine ay kala tashanayso ama ay ku wargelinayso Maraykanka isticmaalka gantaallada ay bixiso UK, Mr Miller waxa uu sheegay in aanu “si cad uga hadli doonin isticmaalka hubka waddan kale”.

Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa marar badan ugu baaqay xulafada reer galbeedka ee Kyiv inay ogolaadaan adeegsiga gantaalada riddada dheer ee lagu bartilmaameedsanayo gudaha Ruushka, isagoo sheegay inay tahay habka kaliya ee lagu soo afjari karo dagaalka.

Gantaalada UK ee loo yaqaano Storm Shadow waxaa loo arkaa inay yihiin hub ku habboon in lagu duqeeyo goobaha ay hubka ku keydsan yihiin , sida kuwa uu Ruushku u isticmaalo dagaalka uu kula jiro Ukraine.

Maraykanka iyo UK hore uma aysan siinin ogolaansho, iyadoo la soo jeediyay in tani ay la xiriirto in aan la rabin in dagaalka uu soo balaarto.

Laakiin dhamaadkii toddobaadka, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu uu u fasaxay Ukraine isticmaalka gantalada riddada dheer ee uu Mareykanka horey u siiyay.

Hubkan loo yaqaano Atacm ayay Ukraine u adeegsatay lana beegsatay Talaadadii gobolka Bryansk ee xuduudka la leh Ruushka.

Mareykanka ayaa sidoo kale ansixiyay in loo diro miinada dhulka Ukraine, si loo hakiyo ciidamada dalka Ruushka.

Isagoo ka hadlayay shirka G20 ee ka dhacaya Rio de Janeiro Talaadadii, Ra’iisul Wasaaraha UK Sir Starmer ayaa sheegay in UK “ay xaqiijin doonto in Ukraine ay hesho waxa loo baahan yahay iyo inta loo baahan yahay”.

Gantaalada Storm Shadow waa gantaal nooca cruise-ka ah ee Anglo-Faransiiska oo leh masaafo dhan 250km (155 mayl). Faransiisku waxay u yaqaanaan Scalp.

Vladimir Putin ayaa ansixiyay isbeddelo lagu sameeyo adeegsiga Nukliyeerka ee Ruushka, isaga oo dejiyay shuruudo cusub oo uu waddanku ku tixgalinayo adeegsiga hubkiisa.

Nidamkan cusub ayaa qeexaya haddii weerar ka yimaada dowlad aan Nukliyeer lahayn, oo ay taageerto quwadda nukliyeerka, waxaa loola dhaqmayaa sidii weerar wadajir ah oo lagu qaaday Ruushka.

Waa maxay Storm Shadow?

Storm Shadow waa gantaallaha riddada dheer oo lagu sameeyay Faransiiska isla markaana gooshi kara 250km (155 meyl). Faransiiska ayaa u yaqaanna Scalp.

Waxaa laga soo ganaa diyaarad, kadibna wuxuuna ku duulaa xawaare u dhigma kan dhawaqa, kadibna dhulka ayuu kusoo dhacaa isagoo qarxiya madaxiisa aadka u qarxa.

Storm Shadow – oo ay sameysay shirkadda MBDA – ayaa loo arkaa hub aad u dhex geli kara keydadka hubka, sida kuwa ay Ruushka u adeegsadaan dagaalkooda Ukraine.

Balse gantaal walba wuxuu qiimihiisu yahay US$1m (£767,000), sidaa darteed waxaa keliya loo adeegsadaa qorshooyin gaar ah oo dagaalka.

WARARKA