Talaado 19, Nov 2024 {HMC} Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cigaal Cirro waxa uu ku dhashay Magaalada Hargeysa 29kii April sanadkii 1955, Waxbarashadiisa aasaasiga ah waxa uu kusoo qaatay Magaalooyinka Hargeysa, Berbera & Burco, isaga oo Waxbarashada Dugsiga Sare ku qaatay Magaalada Muqdisho.
Shahaadada Dibloma waxa uu ka qaatay Machaddii SIDAM, Jaamacadda American ayuu ka daraaseeyay Master of Business Administration (MBA), waxa uu kamid noqday Diblumaasiyiin lasoo shaqeeyay Wasaaraddii Arrimaha Dibadda Soomaaliya 1981dii ilaa 1996dii.
Waxa uu noqday Xoghaye, Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Moscow Midowgii Soofiyeed/Ruushka ayuu soo noqday intii u dhaxeysay 1991dii ilaa 1996dii, burburkii dalka kaddib waxa uu kamid noqday Qurba joogtii u yahaantay Helsinki Finland.
Markale ayuu dib ugu laabtay Dalka isaga oo saldhigtay Gobollada Waqooyi Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (Maamulka Somaliland), Cabdiraxmaan Cirro waxa uu kamid ahaa Dadkii maalgeliyay Xisbiga UCID ee Faysal Cali Waraabe haatan hoggaamiyo.
Sanadkii 2005tii ayaa loo doortay in uu xubin ka noqdo Golaha Wakiillada Maamulka Somaliland, waxaa markii dambe loo doortay in uu noqdo Guddoomiyaha, 12sano kaddib waxa uu aasaasay Xisbiga Waddani oo ka saameyn batay kan UCID.
2017dii ayuu aad u cariiriyay Madaxweynihii hore ee Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi kaddib markii Cabdiraxmaan Cirro uu helay 44% codadkii la dhiibtay, waxaa jiray muran ka dhashay natiijada oo waxa uu xiligaas tuhunsanaa in la is daba-mariyay codadka balse waxaa lagu qanciyay in uu ka tanaasulo dooddii uu watay.
Cirro oo ah nin ka aftahansan Musue Biixi Cabdi ayaa calaamad saartay meelaha uu ka gaabiyay isaga oo u adeegsaday Ololaha Doorashadii dhacday waana tan loo arko in uu ku helay Shacabka badan ee isbaddel doonka noqday una codeeyay.
Dr Cabdiraxmaan waxa uu Ph.D. Ka daraaseeyay Jaamacadda lagu magacaabo (New Generation University ee ku taalla Magaalada Addis Ababa Caasimadda Dalka Ethiopia, Luuqadaha uu ku hadlo ayaa kala ah: Afka Hooyo (Afsoomaali, Ingiriiska, Carabiga, Luuqadda Ruushka & tan Filand ee lagu magacaabo Finnish).