spot_imgspot_imgspot_img

Xamse Barre, oo weerar dhinaca afka ah ku qaaday Axmed Madoobe.

Isniin 18,Nov 2024 {HMC} Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabad uu xilka kula wareegayay taliyaha cusub ee ciidanka xoogag dalka , ayuu weerar dhinaca afka ah ku qaaday Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Xamse Barre , ayaa sheegay in maamulka Jubbaland uu qeyb ka ahaa heshiisyadii dalka loogu jiheenayay doorasho qof iyo cod ah, waxa uuna xusay in dhammaan saxiixeen Jubbaland heshiisyadii dalka u horseedayay in la qabto doorasho qof iyo cod ah iyo in la dhiso guddiga doorashada.

Waxa uu intaa ku daray Xamse Barre in markii lasoo gaaray fullinta heshiisyadii horey loo saxiixay ayna ansixiyeen labada Aqal, in maamulka Axmed Madoobe diiday in ay fuliyaan hirgalinta heshiisyadaasi uuna isaga baxay shirkii madasha wadatashiga Qaran ee socday.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre , ayaa sheegay in dadaal kasta ku bixiyeen sidii ay shirka ugu soo celin lahaayeen Axmed Madoobe balse uu ka diiday, waxa uuna tilmaamay in ay u caddaatay in Axmed Madoobe iyo kooxdiisa ka go’an tahay in ay fuliyaan ajanda kale oo aan aheyn kii horey u saxiixeen una oggolaadeen.

Xamse Barre ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ka go’an tahay in uu isku caano shubo uuna qabsado doorasho aan jirin, waxa kale sheegay in Axmed Madoobe iyo maamulkiisa isku dayeen in la rido xukuumadda uu hoggaamiyo ee DanQaran..

” Madaxda Jubbaland waxaa ka go’an in ay fuliyaan ajandayaal kale ay ugu horreeyaan in ay ka baxaan taladii qaran , iyo in ay hoggaanka Jubbaland isku caano shubo iyo in la isku dayo in la rido Xukuumadda DanQaran, hoggaanka Jubbaland waxa ay abuureen hadal heyn ah halis ah oo ronaya, waxaa ka maqan deegaannada qaar ” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Xamse Barre.

Xamse Barre ayaa sidoo kale sheegay in dastuurka Jubbaland dhigayo in Madaxweynaha labo xilli kaliya la doorto , taa uu sheegay in mar hore dhammaatay, waxa uu kale sheegay in Axmed Madoobe uusan heysan wax sharciyad ah uu ku maamulo doorasho iyo dal , isaga oo sharcidarro ku tilmaamay abaabulka doorashada Kismaayo ka socoto, waxa uuna caddeeyay in waxii soo baxa noqon doonaan sharcidarro.

Hadalkan kulul ee kasoo yeeray Xamse Barre ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Kismaayo ka socdaan abaabulka doorashada golaha Wakiiladda iyo tan Madaxweynaha JUbbaland oo la filayo in maalmaha soo socda Kismaayo ka dhacaan.

WARARKA