spot_imgspot_imgspot_img

Sidee wax uga socdaan Somaliland saaka kadib doorashooyinkii shalay dhacay?

Khamiis 14, Nov 2024 {HMC} Waxaa ilaa iyo hadda si degganaan ah u socda tirinta codadka doorashooyinkii isa saarnaa ee madaxtooyada iyo urururda siyaasadda ee shalay ka qabsoomay deegaannada Jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, oo xalay xilli dambe la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in si nabad ah ay ku soo xirmeen goobihii dadweynuhu codkooda ka dhiibtaan isla markaana ay si nabad ah ku socoto tirinta codadkii la dhiibtay.

Wuxuu sheegay in codadka degmooyinka iyo gobollada marka la tiriyo loo soo gudbinayo xaruunta dhexe ee guddida.Guddiga doorashooyinka ayaa ka digaya natiijooyin aan sugneyn kana soo bixin iyaga oo lagu baahinayo baraha bulshada.

Muuse Xasan guddoomiyaha guddiga ayaa ku baaqay in dadku ay is dejiyaan kana war sugaan natiijada doorashooyinka oo ay guddigu soo saari doonaan marka la dhameystiro tirinta codadka.

Muddo toddobaad ah ayay qaadan doontaan in lagu dhawaaqo natiijada sida uu qabo xeerka u yaalla guddiga, marka aoo ku beegan 21-ka bishaan Nufeembar.

WARARKA