Arbaco 13, Nov 2024 {HMC} Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf oo goordhaweyd hadlay ayaa sheegay in sida uu qabo sharciga caawa bilaabaneyso.
“Sida sharciga uu dhigayo laga bilaabo caawa tirinta waxay ka bilaabanaysaa heer goobeed, sida u dhaqsiyaha badan marka ay dhammaato waxay u soo gudbeysaa heer degmo, tirinta waxa ay bilaabaneysaa marka ay goobta xiranto 6-da maqribnimo goobtaas haddii aysan jirin wax cilad ah oo ka yimid,” ayuu yiri
Waxa uu sheegay inay goobaha ay codbixinta iman karaan goobjoogeyaasha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah.