spot_imgspot_imgspot_img

Sudan oo oggolaatay inuu sii furnaado Xadka Chad

Arbaco 13, Nov 2024 {HMC} Mas’uuliyiinta Suudaan ayaa ku dhawaaqay in ay sii furnaan doonaan soohdimaha Adre ee ay la wadaagto dalka Chad si loogu oggolaado in la gaarsiiyo gargaarka bini’aadantinimo ee aadka loogu baahan yahay.

Isgoyska ayaa dib loo furay bishii Agoosto ka dib markii ay u ololeeyeen Qaramada Midoobay iyo hay’adaha gargaarka. Waxay ahayd in mar kale la xiro Jimcaha ina soo aaddan.

Ciidanka Sudan ayaa hore u xiray xadka Chad bishii Febaraayo ee sannadkan, iyaga oo ku eedeeyay in loo adeegsan jiray in hub looga soo daabulo Imaaraadka Carabta oo loo gudbiyo ciidamada RSF – Inkasta oo ay gaashaanka u daruureen eedeyntaasi. Isgoyska Adre ayaa ah wadada ugu dhaqsiyaha badan ee lagu gaaro meelaha macluushu ay halis gelisay ee gobolka Darfur.

WARARKA