spot_imgspot_imgspot_img

Maamulka Degmada Feerfeer oo Amar Adag Dul Dhigay Dadka Dhulka Banaan Ku Leh Degmadaas

Sabti 09- November-2024 {HMC}  Maamulka Degmada Feerfeer Soomaaliya ayaa Soo saaray Amaro ku socda Dadka.Leh Dhulalka Banaan ee ku yaalla Degmadaasi.

Gudoomiyaha Degmada Feerfeer Jeelle Faarax iyo Duqa Degmadaas ayaa sheegay in dadka iska Leh dhulalka Banaan ee degmadaasi ku yaalla 48 Saac Gudahood ay gaaran Degmadaas. Cidii imaan wayso ayey Sheekeyn in dhulkooda uu Maamulka la Wareegi doono.

Maamulka Ayaa sheegay in Ganacsatada iyo dadka iska Leh dhulka Banaan laga doonayo in ay dhistaan, si ay qeeyb uga noqdaan Hormarka Degmadaas.

Maamulka Degmada Feerfeer ayaa Horey dadka dhulalka iska leh Markii ugu horeeysay u qabtay in hal sano Gudahood Lagu dhiso, taasi oo hada Meesha ka baxday.

 

WARARKA