Khamiis 7, Nov 2024 {HMC} In ka badan 200 oo qof oo qab dhaawacyo halis ah iyo kuwa aad xanuunsan oo Falastiiniyiin ah iyo daryeelayaashooda ayaa laga daadgureeyay Gaza, mid ka mid ah hawlgalladii ugu weynaa ee noocan oo kale ah muddo bilo ah, sdia ay sheegtay Israa’iil .
Hawlgalka – oo ay kormeeraysay Cogat, oo ah hay’adda milatariga Israa’iil ee mas’uulka ka ah arrimaha bini’aadannimada ee Gaza, iyo Ururka Caafimaadka Adduunka – ayaa 231 ree Gaza ah oo loo oggolaaday in ay maraan marinka Kerem Shalom ee ay Israa’iil maamusho.
Waxa ka mid ah dadka qaba cudurrada difaaca jirka, cudurrada dhiigga, kansarka, xaaladaha keliyaha iyo dhaawacyada aragagax leh.
WHO waxa ay sheegtay in ay wali jiraan ilaa 14,000 oo qof oo sugaya in la qaado sababo caafimaad.
Israa’iil iyo Masar ayaa xiray marinkooda Gaza kaddib markii Xamaas ay weerar ku qaadday Israa’iil 7-dii Oktoobar ee sannadkii hore.
Ku dhawaad 4,900 bukaan oo Falastiiniyiin ah oo u baahnaa daaweyn dibadda ah ayaa loo ogolaaday inay baxaan intii u dhaxeysay November, markii Masar ay dib u furtay isgoysyada Rafah si loogu daadgureeyo caafimaadka, iyo bishii May, markii Masar ay xirtay marinka kaddib markii ciidamada Israel ay qabsadeen dhanka Gaza.