Khamiis 7, Nov 2024 {HMC} Hadalkiisiiugu horreeyay ee fagaare u ka jeediyo tan iyo markii xisbigiisa Dimuqraadiga ah uu lumiyay Aqalka Cad, Joe Biden wuxuu sheegay in guulaha madaxweynanimadiisa la dareemi doono toban sano.
Waxa uu ballan qaaday in uu si habsami leh oo nabad ah ugu wareejin doono dhaxal-sugaha Donald Trump.
Waxa aan ka tageynaa dhaqaalaha ugu xooggan adduunka,” ayuu yiri.
“Hadda waxa aan haysanaa 74 maalmood oo aynu ku dhammeeynayno waqtiga muddo xileedkayagu, aynu maalin walba xisaabinno” ayuu yiri, waxaa uu intaas ku daray inay tani tahay mas’uuliyad saaran xukuumad ahaan.
“Guuldaradu waa mid aan laga maarmi karin, laakiin quusashadu waa mid aan la cafin karin,” ayuu raaciyay.
Dhammaanteen waa nalaga adkaaday ayuu yiri, laakiin “cabbirka dabeecaddeena” waa sida aan dib uguso noqonno.
Hadalka Biden ayaa ahaa mid niyad-qaboojin u ahaa taas oo l,ooga dan lahaa in lgu qaboojiyo heerkulka taageerayaashiia.