spot_imgspot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADAAdan Madoowe oo Xariga Ka Jaray Xarunta Ciidanka Dhulka.

Axad 03- November-2024 {HMC} Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa ka qeyb galay xarig jarka xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed.
Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay furitaanka xaruntan, isaga oo u mahadceliyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo qof walba oo ka qeyb qaatay dhismaha xaruntan.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in qalabeynta ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo xarumahooda ay guul iyo sharaf u tahay Dowladnimadda Soomaaliyeed, isagoo bogaadiyay howlgalada dalka looga ciribtirayo AS ee ay geesiyaasha qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ka wadaan gobolada dalka iyo guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray.
Ugu dambeyn Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyay in goordhow kooxaha AS laga ciribtiri doono guud ahaan dalka.
Xafladda xarig jarka xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Taliyaha Ciidanka Cirka, talisyada qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, saraakiil ka socotay dowladda Turkiga oo uu ka mid yahay taliyaha Xerada Tababarka Ciidanka ee Turksom iyo sidoo kale marti sharaf kale

WARARKA