Khamiis 31-Oct-2024 {HMC} Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in diyaar u yihiin in wadahadal la galaan una tagayaan maamulada Puntland iyo Jubbaland oo isaga baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee laga soo saaray go’aanno khuseeya doorashada Soomaaliya.
Waxa uu sheegay Madaxweynaha in madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ay horey ula hadleen haddana diyaar u yihiin in ay la hadlaan si xal loo gaaro, isaga oona rejo ka muujiyay in la wadahadlno lagana heshiiyo waxa la isku heesto.
“Walaalaheen waa la hadleynaa, awalna waa la hadalnay waa daba joogeynaa haddii ay naga ogolaadaan inaan u tegno waan u safreynaa, haddii ay naga ogolaadaan inay noo yimaadaan waan baryeynaa inay noo yimaadaan dhib iyo colaad halkaan kasoo jirto malaha, iyagana waa dad mas’uuliyiin oo sharaf iyo karaamo leh waayey” ayuu sii raaciyay.
Haalkan kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa si adag uga falceliyay maamulka Puntland, waxa uuna sheegay Wasiirka Warfaafinta Maamulkaasi Maxamuud Ceydiid Dirir in Madaxweyne Xasan isaga horey u diiday gogol uu fidiyay Madaxweyne Deni uuna fashiliyay in la isku soo dhawaado.
“Madaxweyne Xasan Xujooyin badan baa ku maqnaa oo Caleemo saarkii madaxweyne Deni oo isagana ka soo qeybg-galay ayuu Deni dhigay gogol Soomaaliyeed madaxweynaha aqbalay markii uu Xamar tagayna uu gogoshii diiday taas waxaa xigay dhor goor oo kale oo ay ka mid ahayd maalintii Nabadda Adduunka waxa uu madaxweyne Deni goob fagaaro ah ka sheegay in Puntland ay wadahadal diyaar u tahay oo mas’uuliyiintii halkaas joogtay u sheegay inay farriintaas qaadaan weyna u geeyeen,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta ee Puntland
Waxa uu sheegay Wasiir Dirir in maamulkooda ay ka filayeen Madxaweyne Xasan Sheekh in uu aqbalo gogoshii horey uu u fidiyay Madaxweyne Deni, balse aysan maanta ka fileyn in uu yiraahdo walaalaheyna waan u tageynaa ama hanoo yimaadaan.
“Marka madaxweynaha hadalka maanta laga rabay oo anaga iyo Soomaaliba sugeynay ayaa waxay ahayd inuu yirahdo, waxaan aqbalay gogoshii uu fidiyay madaxweyne Saciid Cabullaahi Deni oo ahayd meel fagaaro ah aan ku garnaqsano, hadaanu gar leenahayna hanaloo garaabo, hadaanu gardarannahayna hanalaqabto ee ma ahayn inuu yirahdo walaalahay waan u tagayaa waxaynaa taasi ahayd,” ayuu yiri Wasiir Dirir.
Waxa uu intaa ku daray Wasiirka Warfafainta Puntland” “Madaxweynaha waxa markii uu arkay xildhibaanada uu la kulmay uu kala hadlayay in la meel-mareeyo doorashada qofka iyo codka ah ee uu doonayo Khamiista loogu meel-mariyo ayuu ogaaday in wax aan heshiis lagu ahayn aanu socon doonin, madaxweynaha waxaanu ogeyn in Puntland ay mar hore go’aan ka gaarto inta lakala maqan yahay wax allaale wixii sharci ku saabsan ee la gaaro inaanay agteeda ka soconeyn oo aanu sharci noqon doonin waxaan heshiis lagu wada ahayn.”
Hadalkan kasoo yeeray maamulka Puntland , ayaa kusoo aadaya xilli xalay go;’aanno hor leh oo uga sii daraya khilaaka Villa Soomaaliya kala dhaxeeya Puntland iyo Jubbaland laga soo saaray shirkii Golaha Wadatshiga Qaran.