spot_imgspot_imgspot_img

Doowladda oo Guula Ka Sheegatay duullaan culus oo aay ku qaaday Deegaan Al Shabaab joogeen

Khamiis 31-Oct-2024 {HMC}  Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka oo is garabsanaya, ayaa saakay wada howlgal xooggan oo ka dhan ah Al Shabaab, waxa uuna howlgalka si gaar ah uga socdaa aagga deegaanka Qeycad ee gobolka Mudug iyo deegaanno kale oo ku dhaw dhaw .

Sida aan wararka ku heleyno ciidamada huwanta ah ayaa dhowr jiho ka weeraray fariisimo ay ku sugnaayeen kooxda Al Shabaab , waxa ayna ciidamada sii baacsanayaan dagaalamayaal ku sugnaa deegaanka Qeycad iyo goobo kale oo saakay loogu dul dhacay.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in saakay casharro lama ilaawaan ah u dhigeen Al Shabaab, waxa ayna sheegeen in howlgalka wali socda khasaaro xooggan ku gaarsiiyeen kooxdaasi.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al Cadaalla , ayaa sheegay in saakay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ku waabiriisteen saldhigyo kooxda Al Shabaab ku lahaayeen koonfurta gobolka MUdug.

”Geesiyaasha Xoogga iyo Mujahidiinta deegaanka waxa ay saaka ku dul waabariisteen Khawaarijtii Koofurta Mudug, Saldhigyadoodii waa la burbruiyay, qasaare balaaranna waa la gaarsiiyay, faahfiinna waad helaysaan ” ayuu yiri Wasiir Al Cadaalada.

Howlgalkan saakay ka socda gobolka Mudug ayaa kusoo aadaya xilli uu socdo abaabulka howlgallo mar kale la doonayo in Al Shabaab looga xureeyo deegaanno dhaca maamulada Galmudug iyo Hirshabelkle, iyadoona howlgalladii hore ciidamada dib uga baxeen deegaanno badan oo Al Shabaab laga saaray.

WARARKA