Khamiis 31-Oct-2024 {HMC} War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa looga hor-yimid war-murtiyeedkii shalay kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaa oo muddo kordhin hal sanno ah loogu sameeyay madaxda dowlad goboleedyada.
Madaxweynaha Jubbaland warka uu soo saaray ayuu ku sheegay in heshiiskii horey u gaareen golaha Wadatashiga Qaran ee ahaa in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah fashilmay, maadaama aan la xureyn deegaannada ay cadawga heestaan.
War-saxaafadeedka Jubbaland ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay qabsanayaan doorashada golaha Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha, waxa ay sidoo kale Baarlamaanka Federaalka iyo beesha Caalamka ugu baaqeen in la ilaaliyo dastuurka iyo xeerarka dalka u yaalla.