Talaado 29-Oct-2024 {HMC} Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti Dileyta Maxamed Dileyta iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray gudaha magaalada Muqdisho, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.
Wafdigan culus ee ka socda dalka Jabuuti ayaa waxaa garoonka si diiran ugu soo dhaweeyay guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo xildhibaanno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadlay munaasabadda soo dhaweynta ayaa dalka kusoo dhaweeyay dhiggiisa Jabuuti, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay imaashihiisa.
“Waa munaasabad aad noogu qiimo badan oo aan kusoo dhaweyneyno wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka walaalaheenna Jabuuti, waana maalin wayn oo farxad innoo ah” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Mas’uul iyo shacab cid aan idinku faraxsaneyn ma jirto walaalihiina ayaad u timaadeen iyo dalkiina labaad”.
Labada guddoomiye ayaa la filayaa inay yeeshaan kulamo gaar ah oo looga hadlayo xiriirka labada dal iyo wada shaqeynta labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
Dileyta Maxamed Dileyta ayaa sidoo kale inta uu joogo magaalada Muqdisho la kulmo doono madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo uu kala hadli doono xaaladda dalka iyo arrimo xasaasi ah oo ku aadan gobolka, siiba xiisadda ka taagan Geeska Afrika.
Jabuuti ayaa saaxiib iyo walaal la ah Soomaaliya, waxayna ka taageertaa ammaanka, iyada oo qayb ka ah dagaalka Al-Shabaab, maadaama ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya.