spot_imgspot_imgspot_img

WAR DEG-DEG AH: Dil goordhow ka dhacay Magaaladda Baladweyne.

Isniin 28-Oct-2024 {HMC} Askari la sheegay in uu ka tirsan yahay ciidamadda Nisa ayaa lagu dilay Maqribnimadii Caawa xaafada kooshin ee magaaladda Baladweyne gaar ahaan agagaarka suuqa-balka.

dilka askarigaan ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen koox hubeysan oo aan la garan heytooda, dilka ka dibna waxay qaateen qorigi uu watay askariga ay dileen.

Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay iyaga oo wada dhaqdhaqaaq ay ku baadigoobayaan eedeysanayaasha dilka geystay, mana jirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay laamaha amniga ee Magaaladda.

Waxii waraar ah ee kusoo kordha kala Soco Hiiraanweyn.net

WARARKA