spot_imgspot_imgspot_img

Maxkamada Cadaaladda Aduunka oo Maanta loo Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Israa’iil

isniin 28-Oct-2024 {HMC} Koofur Afrika ayaa maanta oo Isniin ah markale waxa ay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ u gudbineysaa caddeymo ay ku xoojineyso kiiska dacwadda ah ay horay uga furtay Israa’iil oo xasuuq ka geysatay Dhulka Falastiin.

Sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow kiiska Koofurta Afrika ay diyaarisay waxaa qaybtaan ku jira dukumiintiyo dhammeystiran oo ku cad sida ay Ciidanka Israa’iil u beegsadeen Goobaha Waxbarashada, Caafimaadka iyo kuwa rayidka ah ay degen yihiin.

Caddeymaha Xasuuqaan Koofur Afrika ay u gudbineyso Maxkamadda Qaramada Midoobay hoostagta waxaa kamid ah in xitaa Askarta Israa’iil ay dileen howlwadeenno samafal ah, in ay gargaarkii bani aadamnimada is hor istaageen & in ay si cad u diiday xabbad-joojin ka timid Golaha Ammaanka.

Dalal badan ayaa Koofur Afrika ku dhinac taagan kiiskaan Maxkamadda ICJ ay u gacan gelisay waxaana kamid ah, Turkiye, Nicaragua, Palestine, Spain, Mexico, Libya & Colombia kuwaas oo dhammaan ka damqaday dhibaatada ay geysteen Ciidanka Israa’iil.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Koofur Afrika Ronald Lamola ayaa Warbaahinta u sheegay in Dowladdiisa ay daba joogi doonto kiiskaan ilaa inta laga ciqaabayo Madaxda Israa’iil ee ka dambeysa dhibaatadaan jirta.

Sababta ku riixday Dowladdiisa in ay marba dhinac kasoo gasho kiiska ka dhanka ah Israa’iil ayuu ku sheegay in damiirkooda uu adkeysan waayay inay indhaha ka daawadaan Xasuuqa ka dhanka Falastiin ee Yuhuudda u geysaneyso.

WARARKA