spot_imgspot_imgspot_img

Maxeey Tahay Kiiska aay Kenya Ku Xalisay Maxkamadda Gaarka Ah?

isniin 28-Oct-2024 {HMC} Dowladda Kenya ayaa sheegtay in kiisaska ka dhaca imtixaannada in lagu xalin doonno Maxkamad gaar ah si looga hortago rabshado iyo khiyaano ka dhacda sida uu sheegay Wasiirka Waxbarashada Dalkaas Julius Ogamba.

Wasaaradda oo dib ugu soo laabteen kiisas horay u dhacay inta lagu howlanaa qaadista Imtixaannada Shahaadiga ah ayaa sheegtay in si looga hortago dambiyadaas in loo deynayo go’aannadaas Maxkamado gaar ah.

Julius Ogamba ayaa Ardayda, Macallimiinta, Waalidiinta iyo cid weliba oo quseeya go’aankaan ku wargeliyay in laga feejignaado xaalad weliba oo abuuri karta rabshado ka dhaca Dalka Kenya sida uu hadalka u dhigay Wasiirka Waxbarashada Dalkaas.

Madaxa ugu sarreeya Dalladda loo sameeyay in ay maamusho Iskuullada ayaa sheegay in Ardayda gaaraysa 1.3 Milyan ay ka faa’iidaysan doonnaan Goobaha Waxbarashada gaarka loo leeyahay iyo kuwa Dowladda haddii ay dhibco fiican helaan.

WARARKA