spot_imgspot_imgspot_img

FAAH_FAAHIN: Qarax sababay Dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Baladweyne.

Isniin 28-Oct-2024 {HMC} Ugu yaraan 7_qof oo ka kooban caruur iyo dhalinyaro ayaa dhaawacyo kala duwan ku noqday qarax bam gacmeed oo caawa ka dhacay xaafada howl_wadaag ee magaalada Baladweyne.

Taliye xigeenka saldhiga galbeed ee Booliska Baladweyne ayaa Hiiraanweyn u sheegay in marka laga tago dhaawaca uu sababay qaraxa sidoo kalle uu jiro dhimashada hal oo ka mid ah dhalinyarada uu haleelay bamka.

Dhamaan dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa lagu dabiibayaa goobo caafimaad oo ku yaala gudaha baladweyne.

Ciidanka Amniga oo ku baxay falkaan ayaa wada howlgal lagu raadinayo kooxdii ka dambeysay falkaaa sababay khasaaraha leh dhimashada iyo dhaawaca.

WARARKA