spot_imgspot_imgspot_img

DFS oo Wado Dadaalo Looga Reebayo itoobiya Hoolgalada Cusub ee Dalka

isniin 28-Oct-2024 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeysatay in Itoobiya laga reebo howlgalka cusub ee AUSSOM maadaama ilaa haatan aanay jirin isbaddel ku yimid xadgudubka ay ku sameysay Madaxbannaanida iyo wadajirka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kulanka looga hadlayo qorshaha cusub ee howlgalka AUSSOM geynaya go’aanka ugu dambeeya ee muujinaya in guud ahaan Itoobiyaanka laga saaro howlgalkaas.

Itoobiya ayaa taageero badan ku waysay go’aankeeda la xiriira in ay dhegaha ka xiray ka laabashada heshiiskii is afgaradka ahaa ee la gashay Maamulka Somaliland (Gobollada Waqooyi ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya).

Socdaalkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tegay Eretareeya, Jabuuti, Kenya, Uganda, Burundi iyo Dalal kale ayaa hoos u dhigay dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed ee Itoobiya iyo rejada ay ka leedahay in lagu daro howlgalka AUSSOM.

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xuseen Macallin oo marar kala duwan ka qaybgalay shirarka saddex geesoodka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya, Midowga Afrika & Qaramada Midoobay ayaa xoojiyay go’aanka Itoobiyaanka looga hortagaayo ku biirista howlgalkaas cusub ee billaabanaya 2025.

Itoobiya waxaa Soomaaliya ka jooga Ciidamo qaarkood ku howlgalla Magaca howlgalka kumeelgaarka ah ee Midowga Afrika ee ATMIS, halka qaar kale aanay u diiwaangashaneen howlgalkaas, lama caddeyn ujeedka joogitaankooda Dalka.

WARARKA