spot_imgspot_imgspot_img

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan la qaatay wafdi sare oo ka socday dowladda Turkiga.

Axad 27-Octo-2024 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday dowladda Turkiga, kuwaa oo dhawaana soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdigaan waxaa hogaaminayay ku-xigeenka agaasimaha Guud ee Wasaaradda Difaaca Qaranka Turkiga, Sarreeye Guuto Soner Oruçoğlu, waxaana ku wahlinayay masuuliyiin sar sare oo Turkiga u qaabilsan dhanka dhismaha ciidamada.

Waxaa kulankaan dhax maray Wasiirka iyo saraakiisha Turkiga diiradda lagu saaray dhismaha ciidamada XDS, maadaama dowladda Turkiga ay kaalin-weyn ku leedahay, dhismaha ciidamada, diyaarinta iyo qalabeynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka XDS S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa dowladda Turkiga ku amaanay garab istaaga joogtada ah oo ay la garab-taagantahay dalkeenna, waxuuna balanqaaday in si dhab ah looga faa’iidaysan doono fursadaha ciidan ee dalkeenu ka helaayo dalka Turkiga.

WARARKA