spot_imgspot_imgspot_img

Madaxweyne Deni oo kulan la yeeshay xildhibaannada heer federaalka ee kasoo jeeda PL.

Axad 27-Octo-2024 {HMC} Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Saciid Deni ayaa xalay qasriga madaxtooyada ee Garoowe kula kulmay xildhibaannada labada gole ee Puntland ku metala dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa goobjoog ahaa madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor iyo guddoomiyaha golaha wakiilada, Cabdirisaaq Axmed Saciid, waxayna dhinacyada iska xog wareysteen xaaladda guud ee dalka.

Wararka ayaa sheegaya in Deni uu si gaar ah xildhibaannada iyo senatorada uu la kulmay uu kala hadlay arrimo ku aadan khilaafka maamulkiisa kala dhexeeyo dowladda federaalka, kaas oo gaaray meeshii ugu xumeyd, maadaama uugo’ay xiriirka labada dhinac.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xubnaha uu la shiray la wadaagay mowqifkiisa ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, maadaama ay socdaan qorshayaal ay waddo dowladda dhexe oo lagu doonayo qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in kulamada ay sii socon doonaan, ayna ku biiri doonaan xildhibaanno kale oo Puntland kasoo jeeda oo la filayo inay tegaan Garoowe.

Saciid Deni ayaa si weyn ay isku hayaan dowladda Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna kasoo horjeestay qorshayaasheeda sida doorashada, dastuurka iyo shidaal qodista.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda daba dheeraatay ee u dhexeyso dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Puntland.

WARARKA