spot_imgspot_imgspot_img

Kenya oo Gacanta Kusoo Dhigtay Nin Ku eedeysan Dilka Qooy Soomalia Ah

Axad 27-Oct-2024 {HMC}  Hay’adda Dembi-baarista ee dalka Kenya (DCI) ayaa ku dhawaaqday inay guul ka gaartay baaritaanka dil arxan-darro ah oo saddex xubnood oo isku qoys ah oo Soomaali ah loogu geystay Xaafadda Islii ee magaaladda Nairobi.

Dembi-baarayaasha dilka ayaa aqoonsaday Hashim Dagane Muxumed oo 24-jir ahna tuhmanaha ugu weyn ee dilka loo geystay hooyo, gabadheeda, iyo gabar ay eedo u tahay oo 12 jir ah, kuwaas oo meydadkooda la helay iyagoo meelo kala duwan ku firirsan 21-kii Oktoobar, 2024-kii.

Muuqaallada CCTV-ga ayaa muujinaya Dagane oo wata gaari noociisu yahay Nissan Note (Reg No. KDQ 718Y), kaasoo la arkayay isagoo dhibbanayaasha ka soo qaadaya gurigooda Islii wax yar ka hor inta aan la dilin.

Baabuurka ayaa markii dambe laga helay isagoo ku sugan Suuqa Wakulima oo u dhow masraxa Tababarka ENA, waxaana loo soo jiiday Xarunta Dhexe ee hay’adda dambaarista si ay baaritaan ugu sameeyaan.

Natiijooyinka ayaa si toos ah Dagane ula xiriirinaya dembiga dhacay. Hal tuhmane ayaa hadda xabsiga ku jira.

Hay’adda dambaarista Kenya ayaa ugu baaqday dad weynaha cid kasta oo xog ka haysa halka uu ku sugan yahay inay hay’adaha amniga lasoo xiriiraan.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii Soomaalida ku nool xaafadda Islii ay dhigeen mudaharaad ay ku dalbanayaan in caddaaladda la horkeeno kuwii ka dambeeyay dilka loo geystay hooyada iyo labada gabdhood.

WARARKA