spot_imgspot_imgspot_img

DENI oo sheegay qorshaha laga lahaa’ qariiraddii muranka dhalisay.

Axad 27-Octo-2024 {HMC} Madaxweynaha Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay gobolka Mudug ka hurinayso colaad salka ku haysa muran dhuleed.

Madaxweynaha Puntland Deni ayaa ka jawaabayay khariirad la sheegay in ay adeegsatay dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo waqooyiga gobolka Mudug ku calaamadisay degaanno lagu muransan yahay.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay colaad ku dhisan muran dhuleed oo dhexmarta Puntland iyo Galmudug ay ka hurinayso gobolka Mudug, si ay halkaasi dagaallo uga riddo.

“Gobolka Mudug laguma muransana uma dulqaadan karno waxa ay waddo Dowladda Federaalku, Galmudug iyo Puntland dagaal kama dhexeeyo, qaybtada Mudugna laguma muransana” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Wasiirka Batroolka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay sida ay timid qariiradda oo lagu soo bandhigay munaasabaddii lagu qabtay dekedda Muqdisho ee lagu soo dhaweynayay markabka Turkiga ee baaraya shidaalka Soomaaliya.

Wasiirka oo arrintan raalligelin ka bixiyay ayaa shaaciyay inuu yahay khalad farsamo oo dhacay, isla markaana ka yimid dhanka shirkadda qaban-qaabineysay munaasabadda.

“Shalay waxaa dhacday arrin farsamo oo ahaa Qariidad aan markaas habooneen in lagu soo daray Qariidadihii meesha yaallay wixii tiknino ahaa iyo agaasinka waxaa u xil saarnaa agaasimaha guud, aniga baaritaan ayaa sameeyay saaka agaasimaha waxaan ka codsaday inuu xog sax isoo siiyo sida ay wax u dhaceen,” ayuu yiri wasiir Cabdirisaaq Cumar.

Dhanka kale wasiirka oo u jawaabay madaxweynaha Puntland ayaa yiri “Madaxweynaha Puntland waxa uu garan waayey MAP-2015-kii la sameeyay, Deni Sahminta Puntland isaga ayaa diiday oo horistaagay.”

WARARKA