spot_imgspot_imgspot_img

124 qof oo lagu dilay dalka Sudan.

Axad 27-Octo-2024 {HMC} Ilo wareedyo ku sugan Sudan iyo kooxaha dhaq-dhaqaaqayaasha madaniga ayaa xaqiijiyay, in Xoogaga Gurmadka Degdega Sudan ee loo soo gaabsho RSF ay Jimcihi dileen ilaa 124 qof oo u badan rayid.

Weerarkan ayaa ka dhacay tuulo ka tirsan gobolka Al Jazira, waxana lagu tilmaamay mid ka mid ah dhacdooyinka ugu dhiig-daadashada badnaa tan iyo inti uu billowday dagaalka sokeeye ee Sudan muddo hadda laga joogo 18 bilood.

Jaziira ayaa marki horaba dhibane u aheyd dilal joogta ah, dhac iyo boob iyo barakac loo geystay boqollaal kun aoo ruux, falalkaas oo lagu eedeeyay kooxda RSF.

Guddiga wax iska caabbinta Wad Madani ee taageersan kooxaha u dhaqdhaaqa dimoqraadiyadda Sudan ayaa sheegay, in weerarki ugu ba’naa ee gobolka Jaziira uu Jimcihi ka dhacay tuulada Al-Sireha oo ku taalla waqooyiga gobolka, halkaas oo lagu dilay 124 qof, laguna dhaawacay in ka badan 100 kale.

RSF wali kama aysan hadlin eedaha loo soo jeediyay. Kooxdan ayaa qabsatay inta badan gacan ku heynta dalka Sudan, walina waxa ay dagaal kula jiraan ciidanka millatariga Sudan.

WARARKA