spot_imgspot_imgspot_img

๐—ฅ๐—ฎโ€™๐—ถ๐—ถ๐˜€๐˜‚๐—น ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐—ผ๐—ผ ๐˜…๐—ถ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐˜‚ ๐—ธ๐—ฎ๐—น๐—ฎ ๐˜„๐—ฎ๐—ฟ๐—ฒ๐—ฒ๐—ท๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐˜† ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐ก๐จ๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‡๐š๐ฐ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐œ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐›.

Muqdisho, Oktoobar 27, 2024: โ€” Raโ€™iisul Wasaarah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska & Guriyeyta, Mudane Cilmi Maxamud Nuur iyo Wasiirkii hore Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Wasaaradda Hawlaha Guud ay kamid tahay Wasaaradaha muhiimka u ah Qaranka isagoo u rajeeyay Wasiirka cusub inuu dhamaystiro qorshooyinka Xukuumadda DanQaran ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, oo ay ka hirgeliso guud ahaan dalka.
Mudane Xamsa ayaa u mahad celiyey Wasiirkii hore oo hadda noqday Raโ€™iisul Wasaare ku xigeenka labbaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, sidii xilkasnimada lahayd ee uu ugu adeegay qarankiisa muddadii uu xilka hayey, waxa uuna Alle uga baryey Wasiirka cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee loo igmaday.

WARARKA